Kornayl Berhanu Jula oo maanta waxaa safarka ku tagay Godey

Maanta waxaa safarka ku tagay Godey, Soomaali Galbeed) Kornayl Berhanu Jula oo ah Oromo kuna magacaaban Abaanduulaha Ciidamada Itoobiya (Oromo Liyu Police), warar is-khilaafsan ayaana ka imanaya ujeedka safarkiisa.

  1. Kadib culayska dagaalka Axmaarada & kooxda Oromada (OLF) waxaa soo food-saaray cabsi & walwal, wuxuuna jid ama waddo u diyaarinayaa madaxda Ormada ay kaga bixi lahaayeen dalka
  2. Diyaarada drones ee yaallay Baxar-daar hadana loo soo raray Debre Zeyit ayaa looga baqay in la dhibaateeyo waxaana loo rarayaa Godey. Waxaa kale oo jira inay Oromadu doonayso inay ku weerarto Soomaaliya ama culaysk ku saarto, ama laga hortagayo heshiiska Soomliya & Masaarida.

Waxaase la xaqiijiyay in dad lagu sheegay odayaal Beelaha Soomaaliyeed (Xawaadle, Dir & Gaal-jecel ayaa laga magic-dhabay ) ee daga Hiiraan ay ku sugan yihiin Feer-Feer, waxaana loo sheegay inay dajinayaan qorshe lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Hiiraan.

Baxsad ama qorshayn dagaal lagu qaado Soomaaliya miduu yahay safarka Kornayl Berhanu Jula, wuxuu maamulka Oromadu go’aansaday dagaal lagu qaado Soomaaliya & shacabka Soomaali ee daga 23 Degmo oo xad la leh Deegaanka Oromada, wuxuuna kamid yahay qorshayaal badan ooy dajiyeen kadib fashilkii hindisa beenaadkii ay la galeen SNM.