(21/10/2024, Samara) ugu yaraan 6 kooxood, badankoodna hubaysan yihiin, oo kala aragti & hadaf duwan, ayaa maanta kajira Deegaanka Canfarta.
1. UGUUGUMO ama ARDUF (Ethiopia): Hadafka UGUUGUMO waa in Deegaanka Canfarta laga xoreeyo Itoobiya. Kooxdan & TPLF ayaa shuraako ku ahaa soosaarka & ganacsiga Cusbada Harada Afdheera. Abiye wuxuu kooxdan u isticmaalay dagaalka Tigreega & Galbeedka Sitti.
2. FRUD (Djibouti): FRUD waxay ka howl-gashaa Jabuuti, hadafkiisuna waa inay Canfar qabsato xukunka Jabuuti. FRUD waxaa loo baahday 2020 (dagaalkii Tigreega) waxaa kale ooy Itoobiya u adeegsatay dagaalka Galbeedka Sitti (DDS).
3. Red Sea Front ama RSADO (Eritrea): RSADO waxay ka howl-gashaa Eritrea waxayna taageero ka heli jirtay TPLF. Hadafka RSADO waa in Gobolka Canfarta laga xoreeyo Eritrea. Sida FRUD, RSADO waxaa loo baahday 2020 (dagaalkii Tigreega) waxayna Itoobiya u adeegsatay dagaalka Galbeedka Sitti (DDS).
4. Xaaji Siyuum Group (Tigray): Xaaji Siyuum wuxuu ahaan jiray Hogaanka Nabad-galyada & Caddaaladda, Madaxweyne kuxigeen & Madaxweyne (Nov 2015 – Dec 2018) Deegaanka Canfarta, muddo 30 sano ah ayuuna ku soo jiray Maamulka Canfarta. 2020 wuxuu Xaaji Siyuum ka Barbara dagaalamayay seediyaashii (TPLF) wuxuuna ugu baaqay Shacabka & siyaasiyiinta Canfarta inay dagaal kala hortagaan Abiye & Afworqi.
5. Wallo Group (Amhara): kooxdan malaha magac & hoggaan muuqda, waxaase lagu magacaabi karnaa (Walaalaha Axmaarada) maadaama xubnaha kooxdan ku hadlaan Afka Axmaariga ama ka soo jeedaan Gobolka Wallo, qaarkoodna abtiyaalba loo yahay. Xubno ka tirsan kooxdan ayaa heshiis difaac & iskaashi (Naf & Maal) la galay kooxda FANO.
6. Canfar PP: Kooxdan ayaa ah kan ugu liita kooxaha Canfarta, gaar ahaan dhinacyada go’aanka, shacbiyadda & Saamaynta shacabka Canfarta, waxaase soo magacowday Abiye Axmad & kooxdiisa Oromada (OPDO).
7. Malayshiyaadka Deegaanka: Qayabaha kala duwan ee malayshiyaadka Deegaanka Canfarta (Xoogga gaarka ah, Booliska, kuwa xaafadaha ilaaliya) ayaa ah kuwo u dhaqma sidii hay’ado madax-banaan, waxaana tusaale u ah go’aankii Itoobiya ku gaadhay inay ka baxaan Deegaanadda Tigreega (Koonfurta Tigreega) & Soomaalida (Galbeedka Sitti), ayagoo u arkayay inay Itoobiya u isticmaashay dagaal, markii laga gaadhay danhihii laga lahaana lagu amray inay ku noqdaan deegaankooda.
Kooxaha 1aad – 3aad ayaa ka midaysan 3 arrimood (inay Canfar yihiin, in laga faa-iidaysto Xukunka OPDO, & Saamaynta Dowlad Canfareed), kumana qanacsano hadalada Maamulka Deegaanka, halka kooxaha 4aad & 5aad doonayaan inay Canfartu ku hoos-noolaato Tigreega ama Axmaaro. Kooxda 6aad waxaa lagu tilmaami karaa inay yihiin Xulafada Oromada (OPDO). Qaabka loo wajahayo arinka dhulkay Eritrea ka qabsaday 2020 ayaa lagu kala tagsan yahay. Kooxda todbaad ayaa ah tan ugu khatarsan hadday hesho hoggaan & maaliyadda, laakin ma laha hadaf cad & aragti midaysan. Kulamo ka dhacay Samara waxaa lagu soo bandhigay sawirry Caa’isha Maxamad yaasiin (Wasiirkii hore ee Waraabka, hadana ah Gaashaandhigga) oo laga soo qaaday Badda Casa, waxaana lagu amray kooxahaa inay qabtaan Casab & dhulay Eritrea ka qabsatay 2021. Kulan Amaniga Qaranka oo uu Abiye Axmad todobaadkan qabtay wuxuu amray in guluf colaadeed lagu qaado Eritrea haddii kale uu kursiga waayayo & inay Itoobiya dhacayso. Dhibaatada ayaa ah kooxahan oo ku Jira Maamulka & Laamaha Ammaanka ee Deegaanka, & ayagoo aan lahayn hadaf & go’aan midaysan.
Source: sittisomali.com